Aqalka Wakiilada Mareykanka oo Qorsheynaya in Xilka Laga Qaado Donald Trump.

0
193

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa xildhibaannada la wadaagtay qorshooyin xilka looga qaadayo Madaxweyne Donald Trump kahor inta uusan bilaaban hannaanka xil ka qaadista.

Ms Pelosi ayaa sheegtay in codka la qaadayo maalmaha soo socda lagu doonayo meel marin qaraar ugu baaqaya Madaxweyne Ku Xigeenka Mike Pence inuu xilka madaxtinnimada uga qaado Mr Trump.

Dimuqraaddiyiinta ayaa kaddib Mr Trump ku soo oogi doona eedeymo kicin ah iyo doorkii uu ku lahaa weerarkii dhismaha Capitol.

Maalintii shalay ahayd, Ms Pelosi ayaa qorshaheeda u gudbisay xildhibaannada kaas oo si arsmi ah looga codsanayo Mr Pence inuu adeegsado wax ka beddelkii 25-aad, oo u oggolaanaya inuu noqdo sii haya xilka madaxweynaha isla markaana uu Aqalka Cad ka saaro Mr Trump.

“Annaga oo difaaceyna dastuurkeenna iyo dimuqraaddiyaddeenna, si degdeg ah ayaan u howlgeli doonnaa, sababtoo ah madaxweynaha wuxuu khatar muuqata ku yahay labadaba,” ayay tiri.

Warqaddeeda ayaa waxaa kale oo ku xusan in tani ay noqon doonto tallaabadii ugu horreysay, isla markaana in Dimuqraaddiyiinta “ay ka shaqeyn doonaan sharci xil ka qaadis ah”.

James Clyburn,oo ah xubin sare oo Dimuqraaddiga ka tirsan, ayaa telefishinka CNN u sheegay in inkastoo cod loo qaadayo xil ka qaadista Mr Trump ay dhici doonto toddobaadkan dhexdiisa, haddana uu xisbigu Senate-ka u gudbin doonin maxkamadeyn ilaa ay ka dhamamato 100-ka maalmood ee ugu horreeya ee Joe Biden.

“Aan madaxweynaha la doortay Biden siinno 100-ka maalmood ee ugu horreeya ee uu u baahan yahay meel marinta ajandeyaashiisa,” ayuu yiri Mr Clyburn.

Taas ayaa Mr Biden u oggolaan doonta inuu ansixiyo golihiisa wasiirrada uuna hirgeliyo siyaasidihiisa oo ay ka mid tahay wax ka qabashada coronavirus -taas oo ay noqoneyso inuu Senate-ku sugo haddii uu hayo qorshaha xil ka qaadista.

Mr Trump ma uusan soo hadlin tan iyo Jimcihii intii laga mamnuucay dhowr shirkadood oo baraha bulshada ah – oo uu ka mid yahay Twitter.

Axaddii, si kastaba, Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha uu Talaadada u safri doono Texas si uu u booqdo ballaarinta derbiga xadka Mexico.

Mr Trump ayay Dimuqraaddiyiinta iyo tiro ka tirsan Jamhuurga ku eedeeyeen inuu gacan ku lahaa weerarkii Arbacadii lagu qaaday dhismaha Kongareeska oo ay shan qof ku dhinten.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here