Qaar kamid ah Magaalooyinkii Xalay Mugdiga ahaa oo ee Bakistaan Dib Koronto u Helay.

0
235

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Korontada ayaa si tartiib tartiib ah dib loogu soo celiyay meelaha qaar ee dalka Pakistan kaddib markii ay xalay korontada ka go’day guud ahaan waddanka oo dhan.

Dhammaan magaalooyinka dalkaasi ayaa xalay waxaa laga soo sheegay in ay koronto la’aan ka jirtay.

Guud ahaan waddanka oo dhan ayaa si lama filaan ah xalay u galay mugdi saacaddu marka ay ahayd abbaare 12-kii saqda-dhaxe.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa shacabka ka codsaday in ay is-dejiyaan haseyeeshee waxay ka digeen in ay qaadan karto dhowr saacadood ka hor inta aan adeegga korantada si buuxda dib loogu soo celin.

In koronto la’aan ay dalka ka dhacdo ma ahan wax ku cusub shacabka dalka Pakistan, waxaana xarumaha muhiimka ahi ee sida cusbitaallada oo kale ay ku tiirsan yihiin matoorro waaweyn oo naafto ku shaqeeya, si ay koronta u helaan.

Wasiirka tamarta dalkaasi Pakistan, Cumar Ayuub Khaan, ayaa sheegay in cilladu ay ka dhalatay hannaanka qeybinta korontada dalka oo si lama filaan ah ay cilladi ula soo deristay.

Magaalooyinka waaweyn, oo ay ka midka yihiin Islamabad, Lahore iyo Karachi ayaa ka mid ahaa magaalooyinka ay koronta la’aantu sida weyn u saameysay.

Wasiirka ayaa goor dambe sheegay in korontadu ay u soo laabatay qeybo ka mid ah dalka oo ay ka mid tahay magaalada Peshawar.

Wuxuu intaasi ku daray inay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay in korontada ay ka go’do dalka oo dhan.

Sanadkii 2013, qadka korantada ee Pakistan ayaa gabi ahaanba go’ay kaddib markii warshad koronto oo ku taal koonfur-galbeed gobolka Balochistan ay ku dhacday cillad farsamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here