Arsenal Oo Ciyaar 120 Daqiiqadood Socotay Ugu Gudubtay Wareegga Afraad Ee FA Cup ka.

0
214

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa iska xaadirisay wareegga afraad ee tartanka FA Cup, kaddib guul ay waqti dambe ka gaadheen Newcastle United.

Arsenal oo garoonkeeda Emirates ku qaabbishay Newcastle United ayaa ku badbaadday goolal waqti dambe ay heshay, iyadoo ciyaartana lagu daray 30 daqiiqadood oo dheeraad ah kaddib markii uu waqtigii caadiga ahaa ee 90ka minit kusoo dhamaaday barbarro goolal la’aan 0-0 ah.

Tababare Mikel Arteta ayaa dabbaal-degay daqiiqaddii 109aad ama qaybta dambe ee soddonkii daqiiqadood ee dheeraadka ahaa, markaas oo kubbad uu madax ku dhiibay Alexandre Lacazette uu shabaqa ku hubsaday da’yarka Smith Rowe oo madax shafka kusii qaatay kubadda ka hor intii aanu laag awood badan qabadsiinin.

Goolkan ay Arsenal dhalisay waxa qaladkiisa iska lahaa laacibka Newcastle United ee Clark oo kubadda u dhiibay ciyaartoy Arsenal ah.

Kabtan Pierre-Emerick Aubameyang ayaa daqiiqaddii 117aad ee ciyaarta hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa, waxaanu goolka ku leexiyey kubbad ka timid Tierney oo marka hore uu khadka dhexe ka dhiibay Granit Xhaka.

Aubameyang ayaa kubadda ka hoos saaray goolhaye Dubravka oo isku soo tuuray, waxaanu u dabbaal-degay farxadda maadaama xili ciyaareedkan ay gool-dhalintu ku adkaatay.

Daqiiqaddii ugu dambaysay ayuu Lacazette kubbad gool loo qaatay dulmariyey birta goolka Newcastle United, waxayse ciyaartu kusoo dhamaatay 2-0 ay Arsenal ugu gudubtay wareegga afraad ee tartanka FA Cup.

Wareegga afraad ayaa waxa usoo gudbaya 32kooxood oo loo samayn doono qori-tuur, waxaana kooxdii koowaad ee iska xaadirisay ay ahayd Liverpool Oo Jimcihii 4-1 ku xasuuqday Aston Villa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here