Waa Kuma Geesiga Aan Loo Heesin Ee Man City Dib Usoo Nooleeyey?

0
203

JOWHAR (Radio Isnaay) Manchester City waxay kulamadii ugu dambeeyey horyaalka Premier League iyo tartamada oo dhan ay ahayd mid samaynaysay qaab ciyaareed ka sarreeya midkii ay xili ciyaareedka ku bilaabatay, waxaana ay soo diiwaangashatay guulo muhiim ah oo ka caawiyey inay sare usoo kacdo.

Gorfayn lagu sameeyey ciyaartoyda Manchester City ayaa waxa lagu soo bandhigay laacibka sababta u ah in Manchester City ay dib usoo noolaato, ayna mar kale noqoto kooxda saadaasha horyaalka Premier League safka hore kaga jirta.

Xiddiga Manchester City ugu muhiimsanaan jiray wuxuu ahaa Kevin de Bruyne oo aanay wali is-dhimin tayadiisu, waxaanu sii haystaa boggagga hore ee warbaahinta isagoo dhalinaya goolal iyo caawin sarraysa. Laakiin waxa kale oo iyaguna qaab ciyaareed wanaagsan samaynayay, waana labada difaac ee Ruben Dias iyo John Stones.

Labadan difaac ayaa lagu qiimeeyey inay yihiin kuwa ugu wanaagsanaa kulamadii ugu dambeeyey qaabka isfahamkooda iyo sida ay u wada shaqaynayeen.

Laakiin dhamaan ciyaartoydan, waxa ka mudan Ilkay Gundogan oo ah qiimaynta ciyaartoyda Manchester City lagu sameeyey ka galay kaalinta ugu sarraysa.

Kubbad-sameeyahan ayaa lagu tilmaamay geesiga aan loo heesin ee dib usoo nooleeyey kooxdiisa, waxaanay si layaab leh u wada shaqaynayeen Rodri oo qaabka isfahamkoodu uu dib u wareejiyey taayirka kooxda ee hore ugu muuqday inuu gaabiska yahay.

Ilkay Gundogan waxa 21kii ciyaarood ee uu xili ciyaareedkan u saftay Manchester City uu sameeyey 24 toogasho, balse kulamadii waaweynaa ee ay guulaha gaadhayeen ee West Brom, Southampton, Newcastle, Chelsea iyo Manchester United uu sameeyey toban toogasho oo fure u noqday guusha kooxdiisa.

Wargeyska Manchester Evening News oo warbixintan aanu kasoo xiganay ayaa waxa uu Gundogan ku tilmaamay geesiga aan loo heesin ee Manchester City dib usoo nooleeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here