Maxaad ka ogtahay Dunida Canugga ugu taajirsan ?

0
274

JOWHAR (Radio Isnaay) Ryan Kaji oo ah ilma sagaal sano jir ah oo ku nool gobolka Texas dalka Mareykanka ayaa noqday qofkii lacagta ugu badneyd ka hela shirkadda muuqaalada ee Youtube sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-ka.

Ryan oo ay gacanta ku hayaan waalidiintiisa ayaa lacagta ka hela muuqaalada caruurta ay daawadaan ee Cartoons loo yaqaano, halkaas oo uu soo dhigo muuqaalo madadaalo iyo kuwa kale oo ay caruurta ku maadeystaan, kana daawadan barta uu Youtube ku leeyahay.

Jariiradda Forbes ee wax ka qorta dadki maalqabaneeda adduunka ayaa Ryan sanadkii lasoo dhafay ku qiimeysay in uu yahay qofka lacagta ugu badan ka helay Youtube ka sanadkii tegay.

Lacag ku dhaw 30 milyan oo doollar ayuu sanadkii tegay ka helay Youtube, waxaana sidookale uu lacago kale ka helaa shirkadaha sameeya qalabka caruurta lagu ciyaarsiiyo.

Alaabaha ay soo saaraan shirkadahaas ayaa lagu xardhaa sawiradiisa, si loogu suuq geeyo, caruurtana ay u iibsadan.

Sanadkii lasoo dhaafay oo keliya, Ryan waxaa uu sameeyay lacag dhan 230 milyan oo doollar, kuwaas oo uu ka sameeyay xayaysiinta iyo muuqaalada barta uu ku leeyahay Youtube.

Sanadkii tegay ee 2020-ka, muuqaaladiisa waxaa daawatay 12.2 bilyan oo qof, kuwaas oo ay u badan tahay in marar badan la daawaday ama caruurta ay marar badan dib u daawadeen, maadaama dadka dunida ku nool oo dhan aanay intaas gaareyn, kuwa badan oo kamid ahna aysan daawanin muuqaaladiisa.

Waxaa uu barta Youtube ku leeyahay ku taxan inkabadan 40 milyan oo qof oo ku xiran akoonkiisa, kuwaas oo u badan caruur, maadaama muuqaaladiisa ay yihiin kuwa la xiriira madadaalada caruurta.

Ryan Kaji ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay canug yar oo saameyn badan ku leh caruurta ku nool dalalka horumaray, waxaan muuqaalkiisa ugu daawshada badan uu gaaray 2 bilyan oo qof.

Labadii sano ee lasoo dhaafay, Ryan waxaa uu sidookale ahaa qofkii ugu mushaarka badnaa ee shirkadda Youtube. Tan iyo markii uu Ryan asaasay bartiisa Youtube- ka, sanadkii 2015, waxaa muuqaaldiisa daawatay balaayiin qof.

Mar ay warbaahinta NBC ee dalka Mareykanka Ryan wax ka weydiisay sababta ay caruurta u jecel yihiin daawashada muuqaaladiisa ayaa waxaa uu ku jawaabay “waan madadaaliyaa, waxaana ahay shactiroole”.

Jariiradda Forbes ayaa kusoo warrantay in hal milyan oo kamid ah 22-ka milyan ee kamidka ah lacagtiisa uu ka sameeyo xayaysiinta uu sameeyo.

Ryan walaashii oo ay mataano yihiin kama marna muuqaalada oo waxay walaalkeed la sameysaa muuqaalada lasoo geliyo bartiisa Youtube-ka. Ryan oo wali caruur ah ayaa 15 boqolkiiba dakhliga uu soo xareeyo waxaa loogu shubaa akoon bangi, sii uu ugu noolaado marka uu weynaado.

Waalidiinta dhalay Ryan ayaa lagu kala magacaabaa Loann Kaji iyo Shion Kaji. Ryan waxaa la sheegaa in uu leeyahay dad la shaqeeyo, kuwaas oo ay kamid yihiin kuwa muuqaalada u duuba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here