Trump oo Shaaciyay Xilliga uu Wareejinayo Xilka Madaxweynenimo.

0
211

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne Donald Trump ayaa soo saaray muuqaal cusub oo uu ku muujinayo sida uu sheegay caradiisa ku aaddan qalalaasihii Arbacadii oo ay dad careysan weerar ku qaadeen dhismaha Capitol ee magaalada Washington.

Isagoo u hadlaya si ka duwan maalmihii hore, ayaa wuxuu sheegay in dibadbaxayaasha ay meel uga dhaceen dimuqraadiyadda Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale muuqaalka ku sheegay inuu ku hawlan yahay xil wareejin sharciga ku saleysan.

Wuxuu madaxweynaha sheegay in maamulka cusub la caleemo saari doono 20-ka bishan Janaayo, wuxuuna ku baaqay isu uur-fayoobi iyo dib u heeshiisiin.

Muuqaalka ayaa waxaa lagu baahiyay bartiisa Twitter-ka ka dib markii shalay laga mamnuucay barta weerarka dhismaha Capitol ka dib.

Hadalka Trump ayaa imanaya iyadoo xildhibanada labada Aqal ee mucaaradka ku ah madaxwyenaha ay ku baaqeen in xilka laga xayuubiyo Trump ka dib weerarkii ka dhacay dhismaha Capitol, kaasi oo ay fuliyeen taageerayaasha careysan ee Trump.

Senetarka Dimuqraadiga ah ee Chuck Schumer ayaa sheegay iney khasab tahay in Trump si dhasiyaha xafiiska looga saaro.

Dhanka kale afhayeenka aqalka wakiillada ee kongareeska Mareykanka, Nancy Pelosi, ayaa ka mid ah xubnaha sare ee dimuqraadiyiinta ee ugu baaqaya madaxweyne ku xigeenka Mike Pence inuu adeegsado wax ka beddelkii 25aad ee dastuurka, kuna dhawaaqo inuusan madaxweynuhu u qalmin talada dalkaas.

Hase yeeshee in xilka laga xayuubiyo ayaa waxay u bahaantahay taageero laga helo xisbiga Republican-ka inkastoo uu taageeroyaal yar oo haysto.

Mid ka mid ah xubnaha sare ee golaha wasiirrada Mareykanka ee u dhowaa madaxweynaha ayaa ku biirtay liiska dadkii dhowaan is casilay, sababo la xiriira khudbaddii uu madaxweynuhu u jeediyay dibadbaxayaasha kahor intaysan

weerar ku qaadin kongareeska. Xoghayaha waxbarashada, Betsy DeVos ayaa sheegtay in laga habboonaa wixii dhacay Arbacadii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here