Puntlaan oo Markale Digniino Ka soo Saartay Diidmada lacagta Shillin Soomaaliga.

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxaa Maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay sidii loo dardar gelin lahaa qaadashada ama isticmaalka lacagta shillinka Soomaaliga oo laga diiday degaano ka tirsan Maamulka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa uu dhex-maray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, Taliska Booliska Gobolka Bari & Ganacsatada Magaalada Boosaaso, waxaana laga soo saaray go’aano Ganacsatada & sariflayaasha loogu baaqayay inay xoojiyaan socod-siinta lacagta Shillinka Soomaaliga.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya : – Cusmaan Cabdalle Cusmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here