Madaxweynaha Hirshabelle oo Maanta Ka Ambabaxay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

0
225

JOWHAR (Radio Isnaay)Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta ka ambabaxay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle isaga oo kusii jeeda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka waxaana si weyn looga sii sagootiyay Jowhar iyadoo ay safarka ku wehliyeen Qaar kamid ah Xildhibaanada Hirshabeelle iyo Nabadoonno iyo Waxgarad maalmahaan Jowhar u Joogay Xalinta Dagaal beeleedyo kadhacay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Cali Maxamed Geeddi, Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cusuble, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Muqdisho Waxaana la filayaa inta uu Muqdisho joogo Madaxweyne Guudlaawe in uu la kulmo Madaxda ugu sareysa dowladda iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Maamulka Hirshabeelle.

Socdaalkiisa Muqdisho ayaa ku soo aadaya iyadoo lasugayo inuu bilowdo shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo looga hadlayo xalinta tabashooyinka ka jira Doorashooyinka Waana Safarkiisii ugu horeeyay ee uu ku tago Muqdisho tan iyo markii loo doortay Xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here