Arsenal Oo Loo Sheegay Inay Bannaanka Emirates Stadium Taallo Uga Dhisto Mesut Ozil.

0
223

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mesut Ozil waxa uu waqtigiisii Arsenal kusoo dhamaaday xaaladdii ugu xumayd ee uu ciyaartoy kaga tegi lahaa naadi, waxaana isagoo aan ku jirin liiska ciyaartoyda kooxda muddo xili ciyaareed badhkii ah, uu ka baxayaa naadiga.

Mikel Arteta ayaa 32 jirkan ka saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa, waxaana ugu dambaysay inuu u ciyaaro Arsenal bishii March ee sannadkii hore, taas oo ka dhigan in muddo 10 bilood ah aanu xidhanin funaanadda kooxda uu mushaharka ugu badan Premier League ka qaadanayey.

Ozil oo ay taageereyaasha Arsenal ku xasuustaan bandhiggii layaabka lahaa iyo inuu u ahaa boqorkii caawinta, waxa qalbigooda kusii ujira sidii uu xili ciyaareedkii 2015/16 u sameeyey 19ka caawimood ee horyaalka ah 35 kulan oo Premier League ah oo uu saftay.

Laacibkan ayaa la sheegayaa inuu heshiis saddex sannadood iyo badh ah u saxeexay naadiga reer Turkey ee Fernerbahce, isla markaana uu ka xadhko xidhanayo Emirates.

Khabiirka ciyaaraha ee Adrian Dunham ayaa Arsenal u sheegay, in Mesut Ozil  uu ka mid yahay halyeeyadooda isla markaana ay tahay inay ixtiraam u muujiyaan, waxaanu kula taliyay inay barxadda garoonka Emirates Stadium uga dhisaan taallo.

“Shaki kuma jiro inuu yahay ciyaartoy hibo leh, waxaanay ila tahay in xoogaa nasiib-darro ahi ku dhacday, waxaanan leeyahay waan ka xumahay.” Ayuu yidhi Adrian Dunham.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Dunham yidhi: “Mesut Ozil, waxa uu yahay halyey Arsenal ah. In badan ayaa laga hadlay Ozil inuu yahay halyey Arsenal ah.

“Cahdiga Emirates, miyuu soo maray ciyaartoy hibo leh oo ay taageereyaashu ka jecel yihiin? Miyuu u qalmaa in lagu maamuuso qaab ciyaareedkiisii taallo loo dhiso?”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here