Manchester City oo Markale Cashar u Dhigtay Man United.

0
197

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester City ayaa u soo baxday finalka koobka Carabao Cup ka dib markii ay 2-0 ku garaaceen kooxda Manchester United oo marti loogu ahaa Old Trafford, iyadoo City ay u socoto inay markii afaraad oo isku xiga ku guuleysato koobkaan.

Goolal ay kala dhaliyeen John Stones iyo Fernandinho ayaa ka caawisay Man City inay garaacdo deriskooda Man United iyagoo finalka Carabao Cup la ciyaaraya kooxda Jose Mourinho ee Tottenham.

Man City ayaa koobkaan ku soo guuleysatay seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay, waxayna u hanqal taagayaan inay hantaan markii afaraad oo isku xigta.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah iyadoo ciyaarta ay aheyd mid madadaalo leh oo labada kooxood ay fursado iska kala heleen.

Kubada seddex jeer ayaa shabaqa la soo taabsiiyay halka jeer ay soo taabatay Man United iyo labo jeer ay soo taabatay City laakiin si saxan ayaan dhamaantood loo diiday madaama ay offside ahaayeen.

Kevin de Bruyen ayaa sidoo kale birta u garaacay Manchester United, iyadoo City ay gacan sareysay sidaasna lagu kala nastay.

Shan daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ayay Manchester City hogaanka u qabatay ciyaarta.

Laad xor ah uu soo qaaday Phil Foden ayaa waxay soo wada martay ciyaartoyda oo dhan ka hor inta uusan helin daafaca John Stones kaasoo shabaqa ku taabtay islamarkaana dabmariyay goolhaye Henderson.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here