Xildhibaanada Hirshabeelle oo Akhrinta Koobaad Marinaya Xeer Hoosaadka Baarlamaanka.

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kuguda Jira Kalfadhiga 1aad ayaa Fadhigiisa 14 kuyeeshay Caasimada Hirshabelle ee jowhar

Kulanka oo uu shir Gudoominayey Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa Ajendahiihu ahaa Qeybinta iyo Akhrinta Xeer Hoosadka Baarlamanka iyadoo Xoghayaha Guud ee Golaha Mudane Abdiwahid Mohamed Hussein (Wadaariyad) uu Xildhibaanada Kahor Akhriyey Cutubka 1aad oo ka kooban 10 Qodob iyo Cutubka 2aad oo ka kooban 7 qodob oo dhamaantod ah Xeer Hoosadka Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle

Ugu dambeyn Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa soo xiray Fadhiga isagoo xildhibaanada ku wargeliyey in akhrinta Xeer Hoosadka sii socon doono ilaa laga dhameyo Cutubyada iyo Qodobada uu ka kooban Xeer Hoosadka Baarlamanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here