Kulanka Caawa Dhexmari doona Man United vs Man City iyo Ole Oo Aargoosanaya.

0
189

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa wax walba u samayn doonta sidii ay uga aargoosan lahayd Manchester City oo ay caawa garoonkeeda Old Trafford ku qaabbili doonto, iyagoo ku ballansan semi-finalka EFL Cup oo sannadkii hore marxaladdan oo kale kusii reebtay.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ay kooxdiisu qaab ciyaareed wanaagsan kasoo samaynaysay horyaalka Premier League oo ay hoggaanka la qabatay Liverpool, ayaa waxay xasuusan tahay in kooxda caawa u imanaysa ee Man City ay ahayd naadigii sannadkii hore ka hor joogsaday in ay tagaan finalka koobkan.

Laakiin Manchester City oo iyaduna difaacanaysa koobka ayaa waxay imanaysaa Old Trafford iyadoo soo gaadhay guul weyn oo horyaalka ah oo ay kusoo burburisay Chelsea oo ay waliba marti u ahayd, waxaana xafiiltankooda magaalaysan sii kordhinaya, in labada naadiba ay ku jiraan marxalad wanaagsan.

Kulankan lagu naanayso Manchester derby ayaa ikooxda badisaa ay iska xaadirin doontaa garoonka qaranka ee Wembley oo ay kula ciyaari doonto Tottenham oo xalay finalka iska sii xaadirisay markii ay garaacday naadiga yar ee Brentford.

Xoga kulanka 

Ciyaarta: Manchester United vs Manchester City

Tartanka: EFL Cup, Semi-final.

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here