Siishalis oo Diiwaangalisay Kiiskii ugu Horeeyay ee Dhimashada Covid-19.

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Seychelles ee Bariga Afrika ayaa shaaciyay in ay diiwaangeliyeen kiiskii ugu horreeyay ee dhimasho ah ee la xariirta xanuunka COVID-19.

Laamaha caafimaadka Seychelles ayaa sheegay in bukaanka geeriyooday oo ahaa nin 57 jir ah ayaa la sheegay in isbitaalka la dhigay habeenkii uu curanayay sanadka cusub.

Seychelles ayaa Axaddii diiwaangelisay 16 kiis oo xanuunka Korona ah kuwaa saddex ka mid ah laga diiwaan geliyay jasiiradda Praslin oo ahaa jasiiradda ugu dadka badan.

Seychelles oo ka kooban ilaa 115 jasiiradood ayaa kiiskii ugu horreeyay ee xanuunka COVID-19 ah diiwaangelisay 14 bishii March 2020.

Guud ahaan tirada bukaannada xanuunka Korona ee halkaas laga diiwaangeliyay ayaa ah 322 bukaan oo 223 kamid ah ay ka bogsadeen xanuunka.

Xukuumadda Seychelles ayaa todobaadkii hore soo rogtay xayiraado la xariira xanuunka Korona iyada oo albaabada u laabtay dugsiyada waxbarashada, kaniisadaha iyo goobaha jimicsiga si loo yareeyo faafitaanka xanuunka oo kusii badanaya dalkaas.

Sidoo kale xayiraado ayaa la saaray dhanka duullimaadyada iyada oo shirkadahana loogu baaqay in ay ku shaqeeyaan hannaanka online-ka ah marka laga reebo kuwa bixiya adeegyada asaasiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here