Qatar oo Heshiis Muhiim ah La Saxiixaneysa Dowladaha Khaliijka Carabta.

0
173

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Jared Kushner oo ah la taliyaha madaxweyne Trump ayaa sheegay in dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ay dowladda Qadar la gaareen heshiis lagu qaadayo go’doomintii dhanka duullimaadyada iyo isu socodka barriga ee ay horay u saareen.

Masuulka ayaa sheegay in dalalka isbahaysiga ay dowladda Qadar ku maslaxeeyeen qaadista cunaqabatynta ay saareen taa baddelkeedana ay Qadar ka tanaasusho dacwaddii ka dhanka ahayd dalalka go’doomiyay ee ay u gudbisay Maxkamadda Adduunka.

Kushner oo gacan kulahaa wadahallada labada dhinac ayaa sheegay in isaga iyo masuuliyiin kale oo Mareykan ahi ay ka soo qeybgeli doonaan munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska. Sidoo kale amiirka Kuweyt oo kaalin ku lahaa isu soo dhaweynta dhinacyada uu khilaafku soo kala  dhex galay  ayaa  isna ka soo qeybgeli doona munaasabadda.

Amiirka Qadar, Sheekh Tamim Bin Xamad Althani iyo wafdi uu horkacayo ayaa tagi doona Talaadada maanta ah magaala Alcalaa ee dalka Sacuudiga halkaasi oo ay kaga qeybgeli doonaan kulanka dalalka iskaashiga khaliijka.

Bishii June 2017-kii ayay ahayd markii dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xariirka u jareen dalka Qadar iyaga oo ku eedeeyay in ay Khalkhal ka abuureyso gobolka.

Dalalkan ayaa markii ay xariirka u jareen Qadar waxa ay soo saareen 13 qodob oo ay shardi uga dhigeen dib usoo celinta xariirka ay la leeyihiin Qadar, qodobaddaas waxaa ugu muhimsanaa in ay albaabada isugu dhufato telifishinka afka dheer ee Aljazeera, in ay joojiso xariirka milatari ee ay la leedahay Turkiga, in ay albaabada u laabto saldhigga milatari ee Turkigu ku leeyahay dalka Qadar, hase yeeshee Qadar ayaa gabi ahaanba dalabkaas dhagaha ka fureysatay iyada oo ku tilmaantay in ay meel ka dhac ku tahay madaxbannaanideeda iyo qarannimadeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here