Jowhar – ( Radio Isnaay ) Halkan Waa Goob Lagu Ciyaaro kabdhood ama falaar tuur Waxana Galab Walbo Ciyaara Laba koox Waxa ay leedahay Ciyaartan Sharuudo ay ku Heshiiyen kooxaha Ciyaara iyadoona ay toogtaan kab qiyaas ahaan u jirta 100 Mitir.
Ciyaarta ayaa bilaabata Saddexda Galabnimo Maalin Waliba waxa ayna soo gaba gabowdaa Lixda Maqribnimo Ciyaarta waxaa u Daawasho Taga qeybaha kala Duwan ee Bulshada kuwaas oo ay u noqotay madadaallo Sida ay Radio Isnaay U Sheegeen Qaar kamid ah Dadka Ciyaara Kabdhoodka.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya : – Cabdi wali Axmed Hilowle.