Arsenal oo Ka Hartay Baacsigii ugu Jirtay Khadka Dhexe ee Real Madrid.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa gabi ahaan isaga baxday xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Isco.

Kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay premier League Gunners ayaa lala xidhiidhinayay xiddiga kooxda Real Madrid ee Isco.

Laakiin wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta joojiyay qorshihiis uu kula soo saxiixanayay xiddiga Isco sabab la xidhiidha da’yarka Emile Smith Rowe.

Xiddiga Emile Smith Rowe oo 20 jir ah ayaa ka faa’iidaystay fursadii la siiyay isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulamadii Chelsea, Brighton iyo West Brom taas oo keentay in uu si joogto ah ugu ciyaaro.

Sidaas darteed qaab ciyaareedka Emile Smith Rowe  ayaa keentay in uu Arteta ka boxo qorshihii uu ku doonayay xiddiga Real Madrid ee Isco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here