Mike Pence ‘oo soo dhaweeyay’ iskudayga senatarrada ay ku carqaladaynayaan Guusha Biden.

0
150

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa waxa uu soo dhaweeyay dedaal ay wadaan koox senatarra ah kaas oo ay ku diidayaan xaqiijinta guusha Joe Biden uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada.

11 senatarro iyo kuwa hadda la soo doortay oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, oo uu hogaaminayo Ted Cruz, ayaa waxa ay doonayaan in 10-maalmood la siiyo baaritaan ay tahay in lagu sameeyo eedo aanan kala sooc lahayn oo tilmaamayay in ku shubasho ay jirto.

Tallaabadaas ayaa la hubaa inay guuldarraysan doonto maadaama la filayo in inta badan senatarrada ay codkooda ku taageeri Mr Biden 6-da bishan Janaayo.

Mr Biden, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa lagu wadaa in xilka madaxtinimada loo caleema saaro 20-ka bishan Janaayo.

Madaxweyne Donald Trump ayaa waxa uu diiday inuu ogolaado in loogaga adkaaday doorashadii la qabtay 3-dii Nofeembar, waxa uuna si joogta ah u soo jeedinayay eedo ah in lagu shubtay doorashada walow uusan wax caddayn ah soo bandhigin. Sabtadii waxa uu khudbad u jeediyay sharci-dajiyayaal shan gobol oo uu iskudayay in natiijadii ka soo baxday la laalo.

Sidoo kale waxa uu la hadlay Xoghayaha gobolka Georgia Brad Raffensperger, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kaddibna waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay farriin uu ku sheegayo in sarkaalkaas Georgia “inuusan doonayn, ama aanay u suuragalayn” inuu bixiyo xog dheeraad ah xaaladaha ku shubashada ah, kuwaas oo uu Mr Trump ku andacooday inay jiraan walow uusan caddayn keenin.

Wargeyska The Washington Post ayaa waxa uu tebiyay iyadoo uu soo xiganayo cod laga duubay wicitaan, in Mr Trump uu waydiistay Mr Raffensperger inuu “soo helo” codod ku filan oo lagu laali karo natiijada gobolkaasi. Mr Trump ayaa sarkaalkaas ugu goodiyay inuu wajihi doono cawaaqib hadduusan gacan arrinta ka gaysan, isagoo u sheegay inuu “halis way” ku jiro, wargeyska ayaa sidaas daabacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here