Man City Oo Xalay Karbaashtay Chelsea iyo Rikoodhadii Ciyaarta Laga Diiwaangeliyey.

0
171

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa bahdilaad u geysatay Chelsea oo ay marti ugu ahayd garoonka Stamford Bridge, iyadoo Blues guul-darradii labaad saddex kulan gudahood u xambaarisay.

Manchester City ayaa saddex gool dhalisay qaybta hore, waxaana labada hore u dhexeeyey saddex daqiiqadood oo kaliya, halka Chelsea ay ahayd koox kala daadsan oo khadka dhexe iyo difaaceeduba ay hurdaan.

Daqiiqaddii 18aad ayay Manchester City hoggaanka ciyaarta qabatay, waxaana gool u dhaliyey Ilkay Gundogan, ka hor intii aanu Phil Foden daqiiqaddii 21aad raacinin goolka labaad.

Chelsea ayaa weerar wada gashay markii labada gool laga dhaliyey, waxaase ay illoobeen difaaca iyagoo goolka City hortiisa isku wada shubay, waxaanay taasi keentay in kubbad cidlo ah uu helo Raheem Sterling oo meel badhtamaha goolka ka dambaysa kasoo qaatay kubbad aanay cidina hortiisa joogtin, taas oo uu birta uga jaray goolhaye Mendy, hase yeeshee Kevin de Bruyne oo soo daba ordayay ayaa ku celiyey goolka.

Chelsea ayaa gool aan waxba tarin waxay heshay daqiiqaddii 92aad ee ciyaarta, waxaana dhaliyey Hudon-Odoi oo goolka ku qabtay kubbad uu dhinaca bidix kasoo dhiibay Kai Hevertz oo beddel kusoo galay.

Manchester City ayaa guushan kusoo gashay kaalinta afraad ee miiska kala-sarraynta, waxaanay isku dhibco yihiin Tottenham oo farqiga goolasha kaga horreysa, mind 29 dhibcoodna ay haystaan, laakiin City ayaa haysata hal ciyaar oo baaqi u ah.

Natiijadan ayaa Chelsea uga dhigan in lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay hal mar oo kaliya guul heshay, saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalkana laba mar laga badiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here