Barcelona Oo Kaalinta Shanaad Soo Gashay Ka Dib Guul Ciriiri ah Oo Ay ka Gaartay Huesca.

0
163

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gool uu dhaliyay Frenkie de Jong ayaa ka caawiyay Barcelona inay guul ciriiri ah oo 1-0 ah ay ka gaareen kooxda yar ee Huesca kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga oo Barcelona ay marti aheyd.

Guushaan ay gaartay Bluagrana waxay ka dhigan tahay in kooxda Ronald Koeman ay soo gashay kaalinta shanaad ee horyaalka Spain.

Tababare Koeman ayaa dib ugu laabtay afar daafacx danbe madaama uu seddex daafac isticmaalayay labadii kulan ee ugu danbeysay horyaalka halka Sergio Busquets uu ku soo laabtay shaxda iyagoo Antoine Griezmann loo diiday safka hore mar kale.

Barcelona ayaa si fiican ku bilaabatay ciyaarta iyagoo hogaanka qabtay daqiiqadii 27aad markii uu De Jong si macaan uu u dhaliyay kubad uu ka helay Lionel Messi isagoo dabamariyay goolhayaha Huesca oo lagu magacaabo Alvaro Fernandez.

Ousmane Dembele ayaa waxaa soo martay fursado uu ciyaarta ugu dili karay laakiin waxaa in ka badan hal jeer beeniyay goolhaye Fernandez.

Kooxda martida loo ahaa ee Heusca ayaa ku dhibtooneysay inay kubada ceshtaan.

Natiijadaan waxay ka dhigan tahay in Barcelona ay ku soo laabatay wadada guusha ka dib barbarihii niyadjab ka lahaa ee ay gurigooda kula galeen Eibar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here