Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta gudoomiyay shirka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle.

0
171

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirka Golaha Wasiiradda Maamulka Hirshabeelle ee Maanta ka Qabsoomay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle Waxaa Shir gudoomiyay Madaxweynaha Maamulka Cali Guudlaawe Xuseen Waxaana Looga Hadlay Arimo ay Kamid yihiin Dib u Heshiisiinta, Dib u Dejinta iyo Dib u Dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha Hordhabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay Siihayayaasha Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Dib u heshiisiinta iyo Amniga.

Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Dib u Dejinta ayaa Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada ah lawadaagtay Xog Uruurin ay ka sameysay Degmooyinka ay ka jiraan khilaafyada ee u baahan in laga sameeyo Dib u Heshiisiin Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay inay tababar u Siisay in kabadan 50 qof oo laga soo Kala xulay bulshada qeybaheeda kala duwan oo lagu baray Muhiimadda wacyigalinta bulshada iyo Xalinta khilaafaadka.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Wasiiradii Warbixinada laga Dhageystay isaga oo kula dardaarmay in ay sii laba laabaan howlaha shaqo ee ay u Hayaan Bulshada Ku Nool Guud ahaan Deegaanada Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here