Arsenal Oo Xasuuq Geysatay, Sannadka Cusub Oo Ay Ku Xadreeyeen.

0
144

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa guul weyn ku bilaabatay sannadka cusub ee 2021 ka dib markii ay 4-0 ku xasuuqeen kooxda West Brom oo marti loo ahaa iyadoo Mikel Arteta uu xiddigihiisa hurdada ka kiciyay iyagoo gaaraya guulo isku xigxiga horyaalka Premier League.

Labo gool uu dhaliyay Alexandre Lacazette iyo goolal ay kala dhaliyeen Bukayo Saka iyo Kieran Tierney ayay Arsenal cashar ugu dhigtay kooxda West Brom iyagoo soo galay kaalinta 11aad ee kala sareynta horyaalka.

Gunners ayaa ciyaarta iska maamuleysay daqiiqadii 1aad ilaa daqiiqadii 90aad ee ciyaarta, waxayna guusha ku gaareen si raaxo leh iyagoo jaanta isla helay islamarkaana soo bandhigay qaab ciyaareed qurux badan isku xirnaan laga waayay bilowgii xilli ciyaareedkan.

Waxay ku qaadatay daqiiqadii 23aad inay hogaanka u qabtaan ciyaarta markii Kieran Tierney uu ka soo xarooday garabka bidix islamarkaana uu gool qurux badan dhex dhigay shabaqa, waxay aheyd gool uu isagu iskiis uga soo shaqeystay.

Shan daqiiqo ka dib Arsenal ayaa hogaanka sii dheereysatay markii kubad uu garabka midig ee xerada goolka uu ka soo dhigay da’ yarka Emile Smith-Rowe uu shabaqa ku taabtay xiddigaha wacdaraha dhigaya xilli ciyaareedkan ee Bukayo Saka.

Labadaas gool ayaa lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta oo ay Arsenal si weyn u muuqatay. Qeybtii labaad waxba iska bedelin isku dheelitirnaanta ciyaarta iyadoo Arsenal ay weli gacan sareysay.

Weeraryahanka Faransiiska ayaa saacad markii ay socotay Arsenal u dhaliyay labo gool kale oo degdeg ah oo ay u dhaxeysay kaliya afar daqiiqo, daqiiqadii 60aad wuxuu shabaqa taabsiiyay kubad uu soo qalday daafaca West Brom Ajayi iyadoo ay u noqotay kulankii afaraad ee isku xiga ee uu shabaqa soo taabto Lacazette.

Afar daqiiqo ka bacdi daafaca bidix Kieran Tierney ayaa kubad ka soo qaaday garabka bidix, iyadoo Lacazette uu boos fiican u istaagay islamarkaana uu shabaqa taabsiiyay kubadii la soo karoosay.

Alexandre Lacazette ayaa dhaliyay shan gool oo marti ah horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2020-21, waligiis intaan gool ah ma gaarin.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 4-0 oo ay Gunners ku xasuuqday kooxda West Brom iyadoo Arsenal ay soo kabsasho weyn sameysay ka dib sidii xumeyd ee ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here