Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo Sharci Muhiim ah Meelmariyay.

0
160

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa Kulankooda 13 Kalfadhiga 1aad oo uu shir Gudoominayey Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq oo ajandahiisu ahaa Dhameystirka Dooda Dib U eegista Dastuurka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa ka qabsoomay Xarunta Baarlamanka ee jowhar

Xildhibaanada Baarlamanka oo tixraacaya soojeedinta iyo warbixinta Guddiga Dastuurka ayaa dood kayeeshay ilaa 5 qodob oo dib u eegistooda Baarlamanka lahorkeenay

Ugu dambeyn xildhibaanada ayaa cod gacan taag ku ansixiyey Qodob kamid Qodobada ay kadoodeen oo ah In Masuulkii U hogaansami waayo U yeeridu Baarlamanka ay xildhibaanada Xilkiisa dib ku sameeyan Waxaana Natiijada Codeynta ku dhawaaqay Kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq

Waxaa codeysay 60 Xildhibaan
waxaa ogolaatay 53
Waxaa diiday 4
Waxaa ka aamusay 3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here