Golaha Wakiilada Mareykanka oo Laalay Codkii Diidmada ahaa ee uu Isticmaalay Trump.

0
160

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kongareeska Mareykanka ayaa laalay codka diidmada qayaxan oo uu Madaxweyne Donald Trump dul dhigay hindise sharciyeedka dhaqaalaha ku baxa gaashaandhigga dalkaas, arrinta oo ah middii ugu horraysay ee uu Trump la kulmo intii uu xilka hayay.

Aqalka Senate-ka oo uu maamulo Xisbiga Jamhuuriga ayaa waxa uu yeeshay kulan dhif iyo naadir ah oo ay maalintii koobaad ee sanadka cusub uga doodeen arrintan, middaas oo ay Aqalka Wakiillada horay ugu soo codeeyeen.

Hindise sharciyeedkan ku kacaya $740 bilyan oo doolar ayaa waxaa lagu maalgelinayaa siyaasadda gaashaandhigga Mareykanka ee sanadka soo socda.

Mr Trump, oo todobaadyo gudahood ku bannaynaya xafiiska, ayaa diiday qeyb ka mid ah qodobbada hindise sharciyeedka.

Senate-ka ayaa 81 ugu codeeyay hindise sharciyeedka loo soo gaabiyay (NDAA) halka 13 ay diideen, iyadoo saddex meelood oo meel loo baahnaa inay meelmariyaan hindise sharciyeedkaasi si loo laalo codka diidmada qayaxan ee madaxweynaha.

Waxa ay arrintan imanaysaa laba maalmood uun ka hor marka Kongareeska cusub ee Mareykanka la dhaarin doono.

Mr Trump ayaa waxa uu walaac ka muujiyay siyaasadaha xaddidaya ciidammada laga soo saarayo Afgaanistaan iyo Yurub iyo in magacyada madaxda wadammada iskaashiga kala dhaxeeyay Mareykanka laga tiro saldhigyada milateri.

Waxa uu sidoo kale doonayay in hindise sharciyeedka uu meesha ka saaro in wax dambi ah aanan loo qabsan karin shirkadaha baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan.

Ka hor inta aanay dooddu bilaaban, ayaa hogaamiyaha Senate-ka ee Xisbiga Jamhuuriga Mitch McConnel waxa uu sheegay inay ka go’an tahay in hindise sharciyeedka la meelmariyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here