Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Liiska Kooxdeeda Ee Kulanka Huesca.

0
199

JOWHAR (Radio Isnaay) Tababare Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa Barcelona uga qayb qaadanaya kulanka muhiimka u ah ee ay booqanayaan dhigooda Huesca.

Barcelona ayaa kulankan doonaysa guul ay kaga soo kabato bar-bardhacii ay soo gashay kulankii ugu dambeeyay si ay kor ugu soo qaado hammigeeda ah inay u tartanto horyaalka La Liga.

Sida la filayay liiskan ayuu seegay Philippe Coutinho oo qaliin jilibka ah dhawaan lagu sameeyay, xiddiga ree Brazil ayaa saddex bilood garoomada ka maqnaan doona sida ay kooxdiisu shaacisay goor dhawayd.

Sidoo kale waxa xusid mudan in daafaca dhexe ee Samuel Umtiti oo liiskan aan kusoo bixin uu uga maqan yahay sababo la xidhiidha xanuun dhinaca caloosha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here