Qaramada Midoobe oo Kaaliye Cusub u Soo Magacowday Soomaaliya.

0
188

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay haweeneyda lagu magacaabo Anita Kiki Gbeho, oo u dhalatay dalka Ghana, ku-xigeenka wakiilkiisa gaarka ah ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM.

Kiki Gbeho ayaa xilkan kala wareegeysa ninka jagadan horay usoo hayay ee Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe, kaas oo isagana loo magacaabay Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Liibiya.

Guterres ayaa sheegay in Gbeho ay leedahay khibrad 25 sano ah oo la xiriirta qorsheynta istaratjiyadda, isku duwidda iyo maamulka siyaasadda waxayna kasoo shaqeysay xafiiska horumarinta arrimaha bina-aadannimada Qaramada Midoobay ee New York.

Haweeneydan ayaa Qaramada Midoobay kala soo shaqeysay dalal colaado ka dhaceen oo ay kamid yihiin Angola, Cambodia, Ciraaq, Namibia, Sudan iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here