Qaramada Midoobay oo Soo Gabagabeysay Howlgalkii Nabad ilaalinta Darfur.  

0
171

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Howlgalka Nabad Ilaalinta ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee gobolka Darfur ee dalka Suudaan “UNAMID” ayaa shaaciyay in Khamiista maanta ah ay soo gabagabeynayaan howlgalkii ay halkaas u joogeen.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen howlgalka UNAMID ee gobolka Darfur ayaa lagu sheegay in ka bixitaanka ciidamada ee halkaas uu ku qotomo go’aankii dhawaan ka soo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee sheegay in howlgalkaasi uu soo ku egyahay 31-ka December 2020.

Howgalka UNAMID ee dalka Suudaan ayaa soo gabagaboobay kaddib 13 sano oo uu socday.

Bayaan ka soo baxay UNAMID ayaa lagu sheegay in lixda bilood ee soo socota ay ciidamadu kaga bixi doonaan gobolkaas.

Muddadaas lixda bilood ah ayaa lagu daad-gureyn doonaa ciidamada iyo agabkood sidoo kalena waxaa la soo gabagabeyn doonaa shaqooyinka howlwadeennada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah intuba.

22-kii bishan ayay ahayd markii uu Golaha Ammaanku ku dhawaaqay soo gabagabaynta howlka UNAMID ee gobolka Darfur.

Howlgalka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay ee Suudaan ayay haatan ka joogaan halkaas ku dhawaad 4,000 oo askari, 1631 askari oo boolis ah, 483 shaqaale caalami ah iyo 945 shaqaale u dhashay deegaankaas.

2003-dii ayay ahayd markii ay dagaalladu ka qarxeen gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan.

Dalalka reer galbeedka ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyay in ay soo hubeysay jabhadda Janjawiid si ay ula dirirta kooaha fallaagada ah ee gobolkaas sidaasina ay

ku billowdeen dagaallo ay ku geeriyoodeen dad lagu qiyaasay 300,000 oo qof halka 2.5 milyan oo kalena ay ku barakaceen.

Bishii Oktoobar ee sanadkan ayay ahayd markii xukuumadda kumeel-gaarka ah ee Suudaan iyo qaar kamid ah dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee gobolka Darfur ay qalinka ku wada duugeen heshiis nabadeed oo ka dhaca gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here