Liverpool Oo Niyadjab Ku Dhameysatay 2020 iyo Karl Darlow Oo Dhuunta U Galay.

0
167

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa barbaro kale oo niyadjab ah la kulantay ka dib markii ay barbardhac goolal la’aan ah la galeen kooxda Newcastle United waana kulankii labaad ee isku xigta oo ay Liverpool ku dhegto koox ka tirsan 10ka kooxood ee ugu hooseeya horyaalka.

Goolhaye Karl Darlow ayaa guusha u diiday Liverpool caawa isagoo dhowr fursadood ka beeniyay kooxda Reds oo ay guusha ku xaqiijisan kareen.

Natiijadaan ayaa dhabarjab xoogan ku ah Reds kuwaasoo haatan seddex dhibcood hogaanka kaga haya Manchester United oo kaalinta labaad ku jirta balse United kulan ayaa u harsan oo ay ku soo qaban karto Reds.

Newcastle ayaa kubad difaacasho ah kala hortagtay Liverpool iyagoo si fiican ugu babac dhigay weerarka kooxda horyaalka difaacaneysa qeybtii hore ee ciyaarta.

Mohamed ayaa helay fursadii ugu weyneyd qeybtii hore ee ciyaarta markii uu si fantastik ah kubad gool loo fishay uu uga beeniyay goolhaye Karl Darlow kaasoo sidoo kale dhamaadkii qeybta hore kubad madax aheyd ka badbaadiyay Roberto Firmino.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad Newcastle ayaa go’aansatay inay kubada ka gadaal marto iyagoo daafac saf ah ka xirtay Liverpool kuwaasoo kubada isku dhiib dhiibayay balse ay yareyd inay goolka gaaraan.

Bartamihii qeybta labaad ayay Reds soo martay fursad cajiib ah markii Firmino uu kubad u dhex bixiyay Mohamed Salah oo ku dhex koontaroolay xerada goolka ka hor inta aysan darbadiisa si ciriiri ah ku hareermarin birta goolka, halka daqiiqo ka bacdi uu Firmino qasaariyay kubad madax aheyd oo uu gool ku dhalin karay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here