Kiisaskii Ugu Horeeyay ee Nuuca Cusub ee Viruska Corona oo laga Diiwaangaliyay Mareykanka.  

0
175

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Mareykanka ayaa laga diiwaan-geliyay kiiskii ugu horreeyay ee la xiriira nooca cusub ee cudurka COVID-19 ee maalmahan ka jiray dalka Ingiriiska.

Sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka qofka laga helay fayrasakan ayaa ah nin dhallinyaro ah oo ku jira da’da labaatameeyada, waxaana hadda lagu karantiilay dhinaca koofur bari ee magaalada Denver. Ninkan ayaa la sheegay in aanu u safrin meel ka baxsan Mareykanka.

Sheeybaarka Waaxda Caafimaadka gobolka Colorado ayaa xaqiijiyay kiiska cusub ee la xiriira cudursidahan.

Sheybaarka ayaa arrintani ogeysiiyay Xarunta Kahortagga iyo Xakameynta Cudurrada ee dowladda Federaalka Mareykanka.

Guddoomiyaha gobolka Colorado, Jared Polis ayaa ku dhawaaqay kiiskani cusub isaga oo sheegay in si hoose ay ula socon doonaan fayraskaan. Wuxuu intaasi raaciyay in hadda aan xanuunkani wax badan laga aqoonin, balse ay dhaqaatiirta u sheegeen in uu si dhaqso ah u fidi karo.

Saynisyahannada dalka Britain oo marki ugu horreysay xanuunkani helay ayaa rumeysan, in xawaaraha uu ku fido cudurkaan uu ka dheereeyo marka loo fiirayo cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here