Caalamka oo Markale ka Walaacsan Faafitaanka Viruska Cusub ee Covid-19.

0
216

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Meelo ka mid ah caalamka ayaa laga soo tabiyay faafitaanka nooc cusub oo ka mid ah fayraska corona, kaas oo sababay cabsi hor leh.

Dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa noqday kuwii ugu dambeeyay ee xaqiijiyay kiisaska nooca cusub ee fayraska, kaasoo ah mid u fidaya si ka deg deg badan sida uu faafayay Covid-19.

Noocan fayraska ah – oo markii ugu horreysay lagu arkay waddanka UK – ayaa sidoo kale laga soo sheegay dalalka Kuuriyada Koonfureed, Canada iyo waddamo kale oo ku yaalla qaaradda Yurub.

Dhinaca qaaradda Afrika, waddanka Koonfur Afrika ayaa looga dhawaaqay bandhow dhaqdhaaqaaqa dadweynaha ah kaddib markii la helay kiisas ka mid ah nooca cusub ee fayraska, kuwaasoo si deg deg badan u fidaya.

Qaar ka mid ah waddamada caalamka ayaa dhawaan UK kusoo rogay xayiraad dhinaca safarka ah, iyagoo mamnuucay in diyaaradaha kasoo baxa halkaas ay waddamadooda soo galaan.

Hindiya ayaa isbuucii lasoo dhaafay ka mid noqotay dalalka joojiyay duullimaadyada UK.

Lix kiis oo nooca cusub ee fayraska ah ayaa ilaa hadda laga xaqiijiyay gudaha Hindiya. Mas’uuliyiinta dalkaas ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in lixda ruuxba ay yihiin dad safar uga soo laabtay UK, haddana karantiil la galiyay.

Ma jirto caddeyn loo hayo in nooca fayraska ee hadda fidayo uu yahay mid ka halis badan kii horay u jiray, inkastoo arrintaas ay u baahan tahay in isha lagu hayo.

Barfasoor Chris Whitty oo ka mid ah la taliyeyaasha dhinaca seyniska ee UK ayaa xaqiijiyay in aysan jirin cabsi laga qabi karo in noocan uu khatar gaar ah leeyahay.

Hase yeeshee waxaaba isbitaallada dhib ugu filan in uu u faafayo si ka dhakhso badan sida fayraska noociisii hore.

Waxay aad ugu badan tahay in noocan fayraska ah uu wax ka tarayo tallaalka la helay ee Covid-19, mana jiro shaki laga muujiyay in uu ka badbaadi karo saameynta dawo ee tallaalka.

Dhammaan saddexda tallaal ee ugu waaweyn dawooyinka la hayo waxay leeyihiin unugyo difaaca jirka awood u siinaya inuu iska celiyo fayraska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here