Barcelona Oo Barbarro Niyad-jab Ah Ka Tuugtay Eibar Xilli Ay Iska Lumiyeen Fursad Qaali ahayd.

0
163

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa barbarro niyad-jab ah waxay la gashay Eibar oo ay garoonkeeda Camp Nou ku martigelisay, ciyaar aad u xambaasad badnayd oo ay labada kooxood fursado badan iska lumiyeen.

Kulankan oo uu ka maqnaa Lionel Messi oo dhaawac ahaa, isla markaana ku raagay fasaxiisa Ciidda Masiixiga oo uu maanta kasoo laabtay, ayaa waxa daqiiqaddii 7aad ay Barcelona iska lumisay rikoodhe uu u laaday Martin Braithwaite oo kubadda qaatay iyadoo uu joogo Antoine Griezmann, waxaana uu kubaddaas dhinaca mariyey birta.

Barcelona oo fursado badan heshay ciyaarta ayaa waxay dhalisay gool daqiiqaddii 23aad, waxaana u saxeexay Braithwaite, hase yeeshee VAR oo laga soo daawaday ayaa meesha ka saaray kaddib markii la xaqiijiyey in Blaugrana ay ku jirtay offside.

Daqiiqaddii 57aad ayay Eibar gool u beddeshay kubbad uu Kike ka boobay Araujo, waxaana uu dhinaca ka dhigay goolhaye Ter Stegen.

Laakiin Ousmane Dembele oo beddel kusoo galay ayaa toban daqiiqadood kaddib 1-1 ka dhigay ciyaarta, waxaanay labada kooxood ku wadaageen dhibcaha natiijadaas.

Barcelona ayaa ku jirta 6aad ee miiska kala-sarraynta horyaalka LaLiga waxaanay haysataa 25 dhibcood oo ay ka urursatay 15 ciyaarood oo ay dheeshay.

Shaxdii labada kooxood

EIBAR (4-2-3-1): Marko Dmitrovic; Pedro Bigas, Esteban Burgos, Rafa Soares, Alejandro Pozo; Pape Diop, Sergio Alvarez; Edu Exposito, Takashi Inui, Damian Kadzior; Kike Garcia.

Kaydka: Quique Gonzalez, Recio, Pedro Leon, Unai Dufur, Yoel Rodriguez, Paulo Oliveira, Sergi Enrich, Sergio Cubero, Roberto Olabe, Unai Arietaleanizbeaskoa, Yoshinori Muto.

BARCELONA (3-4-2-1): Marc-Andre ter Stegen; Clement Lenglet, Ronald Araujo, Oscar Mingueza; Sergino Dest, Miralem Pjanic, Frenkie de Jong, Junior Firpo; Pedri, Antoine Griezmann; Martin Braithwaite.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here