Arsenal Oo Guushii Labaad Oo Xidhiidh Ah ka  Gaadhay Kooxda Brighton.

0
183

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa gaadhay guushii labaad oo xidhiidh ah, waxaanay 1-0 dirqi ah kusoo garaaceen Brighton oo ay marti u ahaayeen.

Alexandre Lacazette oo beddel kusoo galay ayaa Arsenal goolka madiga ah u dhaliyey 21 ilbidhiqsi oo kaliya markii uu garoonka ku jiray, waxaana uu goolkaasi ugu filnaaday in Gunners ay hesho saddexda dhibcood ee kulankan, taas oo ka caawisay inay yeelato 20 dhibcood.

Tababare Mikel Arteta oo isbeddello ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Chelsea, ayaa waxa uu ciidda Masiixiga kaddib dib u helay tabta iyo xeeladda guusha, iyadoo ciyaartanna u tahay guushii labaad oo xidhiidh ah.

Gunners ayaa soo gashay kaalinta 13aad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League, waxaa se haddii ay ciyaarta dambe ku badiso goolal ka badan saddex ay awoodi doontaa inay iska soo xaadiriso tobanka ugu sarreeya.

Shaxdii labada kooxood

ARSENAL (4-2-3-1): Bernd Leno; Hector Bellerin, Rob Holding, Pablo Mori, Kieran Tierney; Mohamed Elneny, Granit Xhaka; Bukayo Saka, Emile Smith Rowe, Gabriel Martinelli; Pierre-Emerick Aubameyang.

Kaydka: Runar Alex Runarsson, Cedric Soares, Shkodran Mustafi, Ainsley Maitland-Niles, Nicolas Pepe, Joseph Willock, Dani Ceballos, Eddie Nketiah, Alexandre Lacazette.

BRIGHTON AND HOVE ALBION (3-4-3): Robert Sanchez; Adam Webster, Lewis Dunk, Dan Burn; Joel Veltman, Yves Bissouma, Davy Propper, Bernardo; Pascal Gross, Alireza Jahanbakhsh, Alexis Mac Allister.

Kaydka: Ben White, Jason Steele, Solly March, Jayson Molumby, Aaron Connolly, Neal Maupay, Leandro Trossard, Danny Welbeck, Andi Zeqiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here