Shiinaha oo Xukumay Weriyihii Soo Tabiyay Viruska Corona ee ka Dillaacay Wuhan.

0
159

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gabar weriye ah oo u dhalatay Shiinaha taas oo soo tebisay dillaacitaankii coronavirus ee magaalada Wuhan ayaa lagu xukumay afar sano oo xabsi ah.

Zhang Zhan waxaa lagu eedeeyay “muran iyo abuuridda dhibaato”, oo ah eedeyn uu inta badan Shiinaha u adeegsado dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka.

Haweeneydan 37 jirka ah oo hore u ahayd qareen ayaa la xiray bishii May, dhowr bilood ayayna cuntada ka soontay. Qareennadeeda ayaa sheegay in xaaladdeeda caafimaad ay liidato.

Ms Zhang waa mid ka mid ah dhowr weriye oo dhibaato kala kulmay tebinta fayraskii ka dillaacay Wuhan.

“Zhang Zhan way muraara dillaacsaneyd markii xukunka lagu dhawaaqay,” ayuu yiri Ren Quanniu, oo la sheegay inuu ka mid yahay qareennada difaacaya, sida laga soo xigtay wakaaladda AFP.

Mr Ren ayaa intaas ku daray in hooyadeed ay barooratay markii xukunka uu dhacay.

Warbaahin xor ah kama jirto Shiinaha, dowladda ayaana lagu yaqaannaa ugaarsiga dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee loo arko inay dhaliilayaan sida ay dowladda wax uga qabanayso fayraska.

Leo Lan, oo ah la taliye dhanka baaritaanka iyo u dooddida xuquuqda dadka kana tirsan Dalladda Xuquuqda Aadanaha iyo Difaaca ee Shiinaha ayaa sheegay in xukunka Ms Zhang uu yahay “mid walaac leh”.

“Xukunkeeda waa mid culus. Dowladda Shiinaha waxaa ka go`an inay aamusiiso iyada ayna u cagajugleyso muwaaddiniinta kale ee isku dayay inay soo bandhigaan waxa ka dhacay Wuhan,” ayuu u sheegay BBC News.

“Waxaan ka walaacsanahay xaaladda muwaaddiniinta kale ee xiran kuwaasoo soo tebiyay xanuunka safmarka ah.”

Ms Zhang oo ay la socdaan qareennadeeda ayaa saakay ka soo muuqatay maxkamadda Shanghai.

Sida maxkamadda laga sheegay waxay Wuhan u safartay February si ay si madax bannaan ugu soo tebiso fayraskii ka dillaacay halkaas.

Tebinteedii tooska ahayd iyo warbixinnadeeda ayaa bishii February si aad ah la iskula wadaagay baraha bulshada, taas oo sababtay inay dowladdu ogaato.

“Waxay tiri markii aan halkaas booqday (toddobaadkii hore): ‘Haddii ay xukun culus igu ridaan waan diidi doonaa cuntada ilaa maalinta ugu dambeysa’…

Waxay u maleyneysaa inay ku dhiman doonto xabsiga,” ayuu yiri Mr Ren kahor maxkamadeynta.”Waa hab aad u daran oo looga cabanayo bulshadan iyo deegaankan.”

Qareen kale, oo lagu magacaabo Zhang Keke, oo la sheegay inuu booqday Ms Zhang, ayaa sheegay in xaaladdeedu wanaagsaneyn, wuxuuna intaas ku daray inay xitaa u baahneyd in laga caawiyo aaditaanka suuliga.

“Waxay maskax ahaan dareemeysaa daal, maalin walba waxay uga dhigan tahay dhibaato,” ayay tiri Ms Zhang.

CHRD ayaa sheegtay in warbixinnada weriyaha ay ku jireen soo tebinta xiritaanka weriyeyaasha kale ee madaxa bananan iyo tacaddiyada lagula kacay qoysaskooda doonayay isla xisaabtan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here