Kooxaha Chelsea iyo Aston Villa oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge.

0
185

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Chelsea iyo Aston Villa ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 34-aad kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu 1-0 ka dhigay weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ben Chilwell.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

50 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Aston Villa ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-1 ka dhigay Anwar El-Ghazi, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Matty Cash.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen kooxaha Chelsea iyo Aston Villa, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Stamford Bridge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here