Trump oo ka Gaabsaday Saxiixa Sharci Muhiim ah.

0
126

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Malaayiin shacabka Mareykanka ah ayaa si ku meel-gaar ah u lumiyay macaashka shaqo la’aanta kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku guuldareystay inuu saxiixo sharciga gargaarka ee loo yaqaan ‘ gargaarka Covid ‘ si loo dhaqangaliyo.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa ka digay “cawaaqib xumo” haddii Mr Trump uu sii wado dib u dhigista saxiixa laakiin xilligii loo qabtay oo Sabtidii shalayahayd ayaa hadda la dhaaftay.

Faa’iidooyinka ay heli lahaayeen dadka shaqo la’aanta ah ayuu arrinkan saameyn doona.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka fiidnimadii Sabtida, Mr Trump wuxuu mar kale difaacay mowqifkiisa ku aaddan arrinta.

Trump ayaa horay ugu gacanseyray sharciga dhaqaalaha kabka ah lagu siinayo dadka Mareykanka ee ay meel mariyeen xubnaha Aqalka Senate-ka dalkaa kaas oo lagu taageerayo dadka dhaqaalahoodu hooseeyo.

Sharcigan oo ah midkii labaad ee la meel mariyo tan iyo markii ay bilaabatay dhibaatada fayraska safmarka ah ee korona ayaa waxaa looga gol-leeyahay sidii dadka ay shaqa la’aantu ku dhacday loo kaabi lahaa.

Hasa yeeshee, Donald Trump ayaa gaashaanka u daruuray qarashaadka la meel mariyay ayaa dhan 9-boqol oo billion oo dollar. Soomaali badan oo ay saamaysay shaqo-la’aanta uu sababay cudurka Covid-19, ayey u badan tahay inay dhaqaalahaas qeyb ka heli doonaan.

Trump ayaa ku dooday in lacagaha lagu kaabayo bulshada Mareykanka la kordhiyo isaga oo tilmaamay in 2,000 oo dollar la siiyo dadka aan xaaska ahayn kuwa qoyska ah oo hadda loo qoondeeyay 600 doollar labadii todobaadna la siiyo 4,000 oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here