Amaro Cusub oo La Duldhigay Dadka U Socdaalaya Waddanka Turkiga.

0
127

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda duullimaadyada dalka Turkiga ee “Turkish Airlines” ayaa macaamiisheeda ku soo rogtay in marka ay ku safrayaan ay horay u soo qaataan warqadda caafimaad ee caddeynaysa in ay ka fiyowyihiin xanuunka COVID-19 ee loo yaqaanno “PCR”

Turkisha Airlines ayaa tallaabadan dhaqangelinaysa laga bilaabo 30-ka bishan December oo ku beegan Arbacada soo socota.

Hadalkan ayay shirkaddu ku baahisay bogga ay ku leedahay aaladda Twitter-ka.

Amarkan ayaa saamayn doona dhammaan dadka u socdaalaya Turkiga ee ku duulaya duullimaadyada Turkisha Airlines.

Wasaaradda caafimaadka Turkiga ayaa iyana soo saartay amar la mid ah kan ay shirkaddu soo saartay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in qof walba oo doonaya in uu soo galo dalka Turkiga bad iyo berri kuu doono ha ku yimaadee laga doonayo in uu wato caddeyntaas qofkii laga waayana ay gelin doonaan karantiil.

Dalalka koonfur Afrika, Ingiriiska iyo Denmark ayaa si gooni ah xaaladdooda loola socon doonaa maadama dalalkaa uu cudurka Covid-19 uu aad ugu fidayo, kuwaas oo dadka ka imaanaya lagu baari doono goobta ay soo caga dhigtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here