Alisson Iyo Mane Oo Guul-darro Ka Badbaadiyey Liverpool, Xilli Ay Barbarro la Gashay West Brom.

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa iska lumisay fursad ay shan dhibcood hoggaanka horyaalka Premier League ku qaban lahaayeen, kaddib markii ay barbarro 1-1 ah la gashay West Brom.

Liverpool oo xilli hore la timid gool uu u dhaliyey Sadio Mane ayaa waxa lagu qabtay barbarro iyadoo siddeed daqiiqadood ka hor dhamaadka ciyaarta uu Semi Ajayi ka dhaliyey gool madax ah, taas oo keentay in ciyaartu kusoo dhamaato barbarro 1-1 ah.

Ciyaartan oo ay inteeda badan maamulaysay Liverpool ayaa waxay iska khasaarisay fursado dhawr ah oo Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Mohamed Salah ay intooda badan sameeyeen, laakiin West Brom ayaa qaybtii dambe heshay fursado qaali ahaa oo goolal caddaan ah loo fishay.

Goolhaye Alisson Becker ayaa kooxdiisa la baxsaday oo ka joojiyey kubbado loola yimid, kuwaas oo haddii ay dhalan lahaayeen ay guul-darradii koowaad muddo saddex sannadood iyo dheeraad ah ku xambaaran lahaayeen garoonkooda Anfield.

Barbarrahan ayaa keenay in Liverpool ay yeelato 32 dhibcood iyadoo saddex dhibcood ka horreysa Everton oo haysata 29 dhibcood.

Shaxdii labada kooxood

WEST BROM (4-1-4-1): Sam Johnstone; Darnell Furlong, Semi Ajayi, Dara O’Shea, Kieran Gibbs; Romaine Sawyers; Matt Phillips (c), Callum Robinson, Conor Gallagher, Grady Diangana; Karlan Grant.

Kaydka: Rekeem Harper, David Button, Charlie Austin, Filip Krovinovic, Cedric Kipre, Matheus Pereira, Kamil Grosicki, Lee Peltier, Branislav Ivanovic.

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Fabinho, Joel Matip, Andrew Robertson; Curtis Jones, Jordan Henderson (c), Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here