Leicester City iyo Manchester United oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka King Power

0
144

JOWHAR (Radio Isnaay)-Kooxaha Leicester City iyo Manchester United ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka King Power, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 2-2 ah, xili ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa kooxood ee Leicester City iyo Manchester United waxay ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 23-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga reer England ee Marcus Rashford, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Bruno Fernandes.

Laakiin 31 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda martida loo ahaa ee Leicester City ayaa dhalisay goolka barbardhaca, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Harvey Barnes, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis James Maddison.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiiqadii 79-aad kooxda Manchester United ayaa mar kale hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-2 ka dhigay Bruno Fernandes, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Edinson Cavani.

Laakiin daqiiqadii 85-aad Leicester City ayaa markale dhalisay goolka barbardhaca, kaddib markii ay 2-2 noqotay markii kubbad uu laaday Jamie Vardy ay ku sii dhacday Axel Tuanzebe.

Ugu danbeyntii dheesha ayaa ku soo idlaatay barbardhac 2-2 ah ay ku kala baxeen labada kooxood ee Leicester City iyo Manchester United, kulankii adkaa ay ku wada ciyaareen garoonka King Power.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here