Dooni dad badan sidday oo ku degtay Xeebta Wadanka Uganda

0
247

Jowhar (Radio Isnaay)Badqabka oo aad u liita iyo cimilada oo isbadeshay ayaa waxa ay sababeen shilal culus oo Harada Albert ka dhacay sanadihii la soo dhaafay

Doon ku degtay Harada Albert ee ku taal xadka ay wadaagaan Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa waxa ay galaafatay nolosha 26 qof.

“Dabayl xooggan” ayaa sababtay in doontu ay quusto, sarkaal maxalli ah ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Tobannaan qof ayaa saarnaa doonta ugu yaraanna 21 qof ayaa la soo badbaadiyay, sida uu sheegay Ashraf Oromo.

Sarkaal bad-maax ah ayaa sheegay in badqabka oo aad u liita iyo cimilada oo si degdeg ah isu badalaysa ayaa waxa ay horseedday in shilalku ay caadi ka noqdeen haradan.

Doonta ayaa Arbacadii waxa ay u kala gooshaysay laba deegaan oo Uganda ah, markii dabayllo xooggan ay ku dhufteen kaddibna ay sidaas ku degtay.

Kooxaha samatabixinta ayaanan filayn inay soo saaraan dad shilkaas ka badbaaday, Mr Oromo ayaa sidaas sheegay. Sikastaba xaalku ha ahaadee, idaacad maxalli ah ayaa waxa ay soo xigatay odayga deegaankaas oo tilmaamay in weli baadigoobku uu soconayo.

Muwaadiniin u kala dhashay Koongo iyo Uganda oo saarnaa doonta ayaa ka mid ah dadka ay waxyeelladu soo gaartay, ayuu yiri Mr Tchovidong.

“Kaddib markii ay dadku raaci waayeen tallaabooyinka badqabka iyo cimillada sida degdega ah isku badalaysa, ayaa Harada Albert waxaa ka dhaco shilal badan,” waxaa sidaas wakaaladda wararka ee AFP u sheegay sarkaal bad-maaxe ah oo ka tirsan booliska gobolka ay mashaqadu ka dhacday ee waddanka Uganda.

Sarkaal kale ayaa sheegay in inta badan dadka ay dhibaatadu ku habsatay ay iskudayayeen inay si sharci-darra ah ugu laabtaan waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo (DRC) si ay uga weecdaan xayiraadaha fayraska korona kuwaas oo sababay inay istaagaan inta badan isu socodkii labadaasi dal,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here