Tahriibeyaal Afrikaan ah oo Ku Geeriyooday Badda Mediterreaneanka

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 20 muhaajiriin ah ayaa dhintay ka dib markii doon ay la socdeen ay kula degtay badda Mediterranean-ka ee ka baxsan xeebaha Tunisia, sida ay saraakiishu sheegeen.

Doonyaha ilaalada xeebaha ee Tunisia ayaa meydadka ka soo saaray magaalo xeebeedka Sfax ee bartamaha Tunisia maalintii Khamiista.

Waxaa weli socda baadigoob loogu jira ugu yaraan 20 qof oo kale oo wali la la’yahay, halka shan qofna la soo badbaadiyay.

Doonta oo ay la socdeen dad tiradooda lagu qiyaasay 45 qof ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, waxaana ay doonayeen in ay gaaraan dalka Talyaaniga.

Doonida oo uu culeys badan saarnaa isla markaana xaaladdeedu liidato, ayaa waxaa soo food saaray dabeylo xoog leh oo laga yaabo inay ka qeyb qaateen degitaankeeda, afhayeenka ilaalada qaranka Cali Ayari ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP.

Kumanaan muhaajiriin ah ayaa sanad walba iskudaya in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka si ay ugu sii gaaraan Yurub, iyadoo qaybo ka mid ah Tunisia iyo Libya ay yihiin goobo muhiim ah oo ay ka baxaan dadka muhaajiriinta ah ee naftooda halliga.

Qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ayaa ka soo jeeda waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika kuwaasi oo ka cararaya dhibaatada dhaqaale iyo dhibaatooyinka dalalkooda ka jira.

Tirada socdaalada muhaajiriinta ee ka imaan jiray Tunisia ayaa hoos u dhacday tan iyo sanadkii 2011, kadib markii xukunka laga tuuray xukuumadii kacaanka ee hogaamiyihii hore ee dalkaas Zine al-Abidine Ben Ali.

Laakiin marinnada sharci darrada ah ee looga soo gudbo Tunisia ilaa Yurub ayaa kordhay in ka badan 150% afartii bilood ee ugu horreysa sanadkan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Tunisia ayaa sheegtay in 8,581 muhaajiriin ah la qabtay iyaga oo isku dayaya in ay ka gudbaan badda Mediterranean intii u dhaxeysay Janaayo iyo bartamihii Sebtember ee sanadkan.

Talyaanigu wuxuu la halgamayey la tacaalidda boqolaal muhaajiriin ah oo maalinkasta yimaada xeebaheeda koonfureed, waxaana xaaladda sii adkeeyay dhibaatada fayraska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here