Real Madrid oo diyaar u ah inay iska fasaxdo SHAN ciyaaryahan si ay u hesho Pogba.

0
148

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay iska iibiso Shan ciyaaryahan ee kooxda koowaad, si dhaqaalaha kaga soo xarooda ay kula soo saxiixato xiddiga reer France ee Paul Pogba xagaaga soo aadan.

Wakiilka Pogba ee Mino Raiola, ayaa dhawaan si cad u shaaciyay in la gaaray xilligii uu Paul Pogba ka tagi lahaa garoonka Old Trafford, xilli ciyaaryahanka reer France uu doonayo inuu ku biiro naadiga reer Spain Real Madrid.ama kooxdiisii hore ee Juventus.

Shabakada “Defensa Central” ee dalka Spain ayaa waxay shaaca ka qaaday maanta oo khamiis ah in ilo wareedyo ka tirsan kooxda ay xaqiijiyeen in Florentino Perez,

madaxweynaha Real, uu doonayo inuu dhowr ciyaaryahan miiska u saaro Manchester, si ay u sameeyaan heshiis isdhaafsi ah uu ugu dhaqaaqayo Pogba garoonka Santiago Bernabéu.

Ciyaartoyda ay Real Madrid dooneyso inay u huraan saxiixa xiddiga qadka dhexe kooxda Manchester United ee Paul Pogba, waxaa ka mid ah Francisco Isco, Mariano Diaz, Álvaro Odriozola, Luka Jović, Dani Ceballos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here