Bukaano Covid-19 laga Dabiibayay oo Isku Dilay Cisbitaal ku Yaala Kaliforniya.

0
130

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nin 37 sano jir ah oo la sheegay inuu taangi oxygen ah ku garaacay kuna dilay bukaan qabay xanuunka Covid, isagoo ku sugnaa sariirtiisa gudaha isbitaal ku yaalla gobolka California, ayaa lagu eedeeyay dil iyo nacayb.

Jesse Martinez ayaa ka xumaaday markii ninka 82 sano jirka ahaa ee ay halka qol wadaagayeen bilaabay inuu duceysto, sida ay sheegeen booliiska Los Angeles.

Mr Martinez ayaa kaddib la sheegay inuu soo qaatay taangi oxygen uu ku jiray kaddibna uu bilaabay inuu ku garaaco Ninka waayeelka ahaa ayaa geeriyooday maalintii xigtay.

Labada nin, oo ay booliisku sheegeen inaysan is aqoon, ayaa laga daweynayay coronavirus iyagoo ku sugnaa qol ay labo qof wadaagaan oo ku yaalla isbitaalka Antelope Valley ee magaalada Lancaster oo ku taalla California.

“Ninka laga shakisan yahay ayaa ka xumaaday markii uu ninka waayeelka ahaa bilaabay inuu duceysto. Wuxuu kaddib ku garaacay taangi oxygen ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray booliiska Los Angels.

“Ninkan, oo 37 jir ah laguna magacaabo Jesse Martinez, ayaa la xiray waxaana lagu xukumay dil, dembi nacayb ah iyo tacaddi uu qof da` ah kula kacay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Isbitaallada California ayaa la daalaa dhacaya wax ka qabashada xanuunka kaddib markii keliya muddo lix toddobaad ah gobolka laga soo sheegay hal milyan oo kiisas cusub ah. In ka badan labo milyan oo kiis ayaa haatan la xaqiijiyay in laga helay California tan iyo intii uu ka dillaacay xanuunka safmarka ah.

Isbitaallada ayaa wajahaya shaqaale yaraan, gobolka ayaana codsaday ilaa 3,000 oo shaqaale caafimaad oo dheeraad ah, kuwaasoo laga keenayo ilaa Australia iyo Taiwan.

Isniintii xoghayaha caafimaadka California Dr Mark Ghaly ayaa sheegay in wixii loo gaaro dhammaadka bishan ama horraanta January laga yaabo in qolal laga waayo

isbitaalka xitaa xarumaha ku meel gaarka ah ee isbitaalka lagu soo kordhiyay ee bukaannada lagu daweeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here