Haweeney U Ololeysa Xuquuqda Aadanaha oo Meydkeeda laga Helay Toronto.

0
148

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Karima Baloch, oo u ololeysa xuquuda aadanaha, una dhalatay dalka Pakistan, ayaa meydkeeda laga helay magaalada Toronto ee dalka Canada, halkaasi oo ay qaxooti ku ahayd muddo Shan sano ah.

Ms Baloch, oo 37-sano jir ahayd, ayaa ololo ka wadday gobolka Balochistan oo ku yaalla waqooyiga Pakistan, iyadoona aad u dhaliili jirtay militariga iyo dowladda Pakistan.

Booliiska Toronto ayaa soosaaray codsi ay shacabka uga dalbanayeen in meel lagu sheego, kadib markii la waayay maalintii Axadda ahayd, iyagoona dib ka xaqiijiyay in meydkeeda la helay.

Booliiska ayaa sheegay in uusan jirin wax shaki dhinaca dambiga ah oo laga qabo dhacdadaas.

Sanadkii 2016-kii ayaa Ms Baloch lagu magacaabay liiska sanadlaha ah ee BBC-da ee lagu dhiiri geliyo 100-ka haween ee saameynta leh, taas oo ay ku muteysatay shaqadeeda u dhaqdhaqaaqidda bulshada.

Waxa ay Pakistan ka tagtay sanadkii 2015-kii, kadib markii lagu soo oogay dacwado la xiriira argigixisanimo.

Iyadoo qaxooti ah ayay sii wadday u doodidda xuquuqda dadka reer Balochia, waxayna adeegsaneysay baraha bulshada.

Hanjabaadihii loo jeedinayay iyada ayay raaceen, sida laga soo xigtay Lateef Johar Baloch, oo saaxiib dhow la ahaa, shaqo wadaagna ay ahaayeen, kaasoo isagana sidoo kale ku nool magaalada Toronto.

Waxa uu BBC-da u sheegay in Ms Baloch ay waayadan danbe heleysay hanjabaado aan la garaneyn cidda soo dirtay, balse looga digayay in qof uu u soo diri doono hadiyadda Kirismaska, casharna loogu dhigi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here