Kooxda Barcelona oo Xasuuqday Dhigeeday Real Valladolid.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 644aad ee Barcelona isagoo dhaafay rikoodhkii Pele ee muddo dheer taagnaa ee goolashii ugu badnaa ee hal koox loo dhaliyo iyadoo Barcelona ay 3-0 uga badisay Real Valladolid.

Antoine Griezmann iyo Sergio Busquets ayaa kursiga keydka loo dhaadhiciya iyadoo Ronaldo Koeman uu doortay seddex daafac danbe oo kala ah Ronald Araujo, Clement Lenglet iyo Oscar Mingueza kulankii ay u safreen Jose Zorrilla.

Nidaamkaas ayaa si fiican u shaqeeyay iyadoo Barcelona ay la wareegtay koontaroolka ciyaarta ka dib daqiiqadii 21aad iyadoo Lenglet uu madax ku dhaliyay karoos ka yimid Lionel Messi.

Martin Braithwaite ayaa u labeeyay Barcelona markii uu isna dhameystirtay kubad uu ka helay Sergini Deest daqiiqadii 35aad.

Messi ayaa hubiyay in seddexda dhibcood ay xaqiiqo tahay qeybtii labaad ee ciyaarta isagoo cagtiisa bidix ku dhameystiray kubad uu caawiye ka ahaa Pedri. Waxay aheyd gool taariikhi ah iyadoo 33 jirkaan uu haatan yahay xiddiga heysta rikoodhka goolasha ugu badan ee hal koox loo dhaliyo.

Kooxda Koeman ayaa kulankaan ciyaareysay iyagoo soo badiyay kaliya hal kulan oo ay marti ahaayeen xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga, laakiin waxay kulankaan soo bandhigeen qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa ee xilli ciyaareedkan iyagoo soo galay kaalinta 5aad.

Atletico Madrid ayaa 32 dhibcood ku hogaamineysa horyaalka La Liga ka dib markii ay caawa 2-0 ku dubteen kooxda Real Sociedad iyadoo labada gool oo uu caawiye ka ahaa Yannick Carrasco ay kala dhaliyeen Hermoso iyo Llorente.

Real Madrid ayaa kaalinta labaad ku jirta iyagoo leh 29 dhibcood laakiin berri ayay ciyaarayaan, Real Sociedad oo la garaacay ayaa seddexaad ku jirta iyagoo leh 26 dhibcood, waxayna la wadaagaan Villarreal halka Barcelona ay leedahay 24 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here