Lionel Messi Oo Laga Qaaday Abaalmarinta Xiddiga Sannadka La Liga.

0
164

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga reer France ee Karim Benzema ayaa ku guuleystay abaal-marinta ciyaartoygii ugu wanaagsanaa horyaalka waddanka Spain ee LaLiga xili ciyaareedkii hore ee 2019/20.

Benzema ayaa Real Madrid u dhaliyey 21 gool xili ciyaareedkii hore, waxaanu u horseeday inay ku guuleystaan horyaalka LaLiga oo ay si cajiib ah u shaqeeyeen qaybtii dambe oo ay dhaafeen Barcelona oo hoos usii socotay.

Laacibka reer France ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee ku guuleysta abaal-marintan ee aan ahayn Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo tan iyo xili ciyaareedkii 2007/08 oo uu Raul Gonzalez qaatay, intii ka dambaysayna ay si joogto ah ugu guuleysanayeen Messi ama Ronaldo.

Abaal-marinta Alfredo Di Stefano ee Xiddiga sannadka ee horyaalka LaLiga oo uu bixiyo wargeyska Marca ayaa Benzema la guddoonsiiyey caawa, iyadoo uu ka sarreeyey Lionel Messi.

Benzema oo ka hadlayay abaal-marintan ayaa yidhi: “Qiime badan ayay iigu fadhidaa abaal-marintani. Waxaan dareemayaa han-weyni iyo farxad. Waa abaal-marinta shaqadii aan u qabtay kooxdan tan iyo 2009, waxaanan sheegayaa inay qanacsanaan badan ii samaynayso shaki la’aan.

“Waxaan joogay Real Madrid sannado badan, waxaanan mar walba ka shaqaynayay sidii aan kooxda u caawin lahaa.”

Karim Benzema waxa kale oo uu soo qaaday labada ciyaartoy ee inta ugu badan kusoo guuleysanayay abaal-marintan ee Ronaldo iyo Messi, waxaanu yidhi: “Messi iyo Ronaldo waa wax kale. Waxay ku guuleysteen abaal-marino badan oo shaqsi ah, anigana sharaf ayay ii tahay inaan ku guuleysto, iyadoo aan ku garaacayo mid ka mid ah ciyaartoydan.”

Xilli ciyaareedkan socda ee 2020/21, Benzema ayaa sii kordhiyey dardartiisa iyo goolasha uu dhalinayo, waxaana isaga oo ka hadlaya uu yidhi: “Tababar kasta waxaan sameeyaa dedaal anigoo ka fikiraya ciyaarta dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here