Kooxda Chelsea Oo Xasuuq Daran u Geysatay Deriskeeda West Ham.

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda West Ham kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa horyaalka Premier League iyagoo ku dubtay 3-0 islamarkaana soo galay kaalinta 5aad iyagoo leh 25 dhibcood islamarkaana lix dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Liverpool.

Tammy Abraham ayaa labo gool dhaliyay halka goolka kale uu saxiixay daafaca wayo araga ah ee Thiago Silva iyadoo Chelsea ay kala dhantaashay kooxda deriskeeda ah.

Kulanka ayaa ahaa mid isku dheeli tiran oo ayna jirin koox fiican qaybta hore iyada oo labadakooxoodba heleen fursado fiican oo ay goolal ku dhalin kareen.

West Ham ayaa gool wakhti hore ah dhalisay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Decline Rice laakiin Goolkaas ayaa laga diiday Offside uu ku jiray.

Chelsea ayaa daqiiqadii 10-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu madax u dhaliyay daafaca Thiago Silva kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.West Ham ayaa mar kale dhalisay gool uu u dhaliyay xiddiga Jarrod Bowen laakiin goolkaas ayaa laga diiday West Ham sabab la xidhiidha khalad uu galay daafaca Thiago Silva.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah waliba sameeyeen fursado fiican.

Labada kooxood ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayeen goolasha iyada oo Blues doonaysay in ay disho ciyaarta halka ay West Ham doonaysay in ay bar-barayso.

Kooxda West Ham ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo xitaa marar badan halis galiyay goolka kooxda chelsea kuna dhawaaday in ay gool ka dhaliyaan.

Dhanka kale Blus ayaa iska khasaarisay fursado fiican oo ay heleen kuna dhalin kareen goolal ciyaarta ay ku dilaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here