Joe Biden oo laga Tallaalay Corona Virus.

0
151

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Joe Baiden ayaa qaatay tallaalka xanuunka COVID-19 ee ay soo saartay shirkadda Pfizer BioNTech.

Madaxweyne Baiden ayaa sheegay in uu tallaalka u qaatay si dadweynaha Mareykanka uu ugu muujiyo in lagu kalsoonyahay waxtarka tallaalkan.

Baiden ayaa ku biiray tiro ka mid hoggaamiyeyaasha siyaasadda Mareykanka oo qaatay tallaaka kuwaa oo uu kamid yahay ku xigeenkiisa Mike Pence iyo Nancy Pelosi Afhayeenka Aqalka Wakiillada dalkaas.

Wararka ka soo baxaya waaxaha caafimaadka Mareykanka ayaa sheegayaa in dad ka badan 500.000 oo qof ay qaateen tallaalka.

Madaxweyne Baiden oo si toos ah uga soo muuqanayay markii uu tallaalka qaadanayay ayaa sheegay in ujeedkiisu yahay in dadweynaha oo idili ay u diyaar garoobaan qaadashada tallaalka isaga oo intaa ku daray in tallaalku aanu ahayn wax laga cabsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here