Real Madrid Oo Xalay Guushii Lixaad  Oo Xidhiidh Ah Xaqiiqsatay.

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa sii wadda guulaha xidhiidhka ah ee ay gaadhaysay toddobaadyadii ugu dambeeyey, waxaanay 3-1 ku garaacday Eibar oo ay marti u ahayd.

Real Madrid ayaa xaqiiqsatay guushii lixaad ee dhamaan tartamada ah, waxaanay figta sare ee horyaalka LaLiga la wadaagtay Atletico Madrid oo ay wada yeesheen min 29 dhibcood.

Karim Benzema ayaa Real Madrid u furay gool-dhalinta daqiiqaddii 6aad ee ciyaarta oo uu gool qurux badan ku hubsaday shabaqa Eibar, ka hor intii aanu Luka Modric toddoba daqiiqadood kaddib gantaal dhex-dhigin goolka, guushana ugu xaqiijiyey naadigiisa.

Eibar ayaa la timid gool uu Kike ka toogtay bannaanka oo uu Thibaut Courtois awoodi waayey inuu ka joojiyo goolkiisa, waxaase dhamaadkii ciyaarta goolka saddexaad u dhaliyey Real Madrid  Lucas Vazquez, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-1.

Shaxdii labada kooxood

REAL MADRID (4-3-3): Thibaut Courtois; Dani Carvajal, Raphael Varane, Sergio Ramos (captain), Ferland Mendy; Luka Modric, Casemiro, Toni Kroos; Lucas Vazquez, Karim Benzema, Rodrygo.

Kaydka: Andriy Lunin, Nacho, Mariano, Eder Militao, Marco Asensio, Luka Jovic, Federico Valverde, Alvaro Odriozola, Marcelo, Martin Odegaard, Diego Atube.

EIBAR (4-4-2): Marko Dmitrovic; Alejandro Pozo, Pedro Bigas, Anaitz Arbilla, Kevin Rodrigues; Takashi Inui, Pape Diop, Edu Exposito, Bryan Gil; Yoshinori Muto, Kike.

Kaydka: Yoel, Unai Dufur, Pedro Leon, Sergio Alvarez, Recio, Roberto Olabe, Rafa Soares, Unai Arieta.

Karim Benzema ayaa Real Madrid u dhiibay hoggaanka ciyaarta daqiiqaddii lixaad, isagoo lugta midig ku maamulay kubbad uu usoo dhiibay Rodrygo, isla markaana qasab ku dhaafiyey goolhaye Dmitrovic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here