Mareykanka oo ka Hadlay Weerarka Dhinaca Internetka ah ee Waddankiisa lagu Beegsaday.

0
128

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa ku eedeeyey Ruushka inuu ka dambeeyo weerarka dhanka internet-ka ah ee lagu qaaday kombuyuutarrada xogta dawladda lagu kaydiyo oo lagu tilmaamay kii ugu ba’naaa ee abid lagu beegsado.

 Iskudayga Jabsashada xogaha Kombiyuutarrada Mareykanka ayaa marki ugu horreysay lagu bartilmaameedsaday Shirkadda Mareykanka laga leeyahay ee Solar Winds ee sameysa barnaamijyada Koombiyuutarrada.

Iskudaygaasi ayaa bilooyin socday, Hase yeeshee Ruushka waa uu beeniyey inuu ku lug leeyahay arrintaasi.

Hay’adaha Mareykanka ee weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah xafiiska maareeya hubka Niyuukilarka.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay ineysan arrintaasi wax u dhimin amniga hubka Niyuukilarka.

Sida oo kale hay’ado waddama kala duwan ku sugan oo ay ka mid yihiin kuwo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa weerarka dhinaca Koombiyuutarrada lagu qaaday, iyada oo loo adeegsaday habka iskudayga jabsashada xogaha ee Mareykanka ka dhacay.

Cilmibaadhayaasha loo xilsaaray ka hortagga weeraraadaasi waxay sheegeen arrintan in si buuxda loo fahmo halka ay ka socdan weerarradan dhinac interneetka ah.

 Mr Pompeo oo idaacad wareysi siiyey ayaa sheegay inuu aaminsan yahay weerarkaasi inuu Ruushka ka dambeeyo, weerarradan bilooyinka socda ayaa lagu qaaday hay’ado iyo shirkado laga leeyahay Mareykanka iyo kuwo ay leeyihiin dowlado kale.

Si la mid ah wasaaradda tamarta Mareykanka waxaa sida oo kale la bartilmaameedsay hay’ado kale oo ay dowladda dhexe ee Mareykanka leedahay

oo ay ka mid yihiin Qasnadda guud, wasaaradaha arrimaha gudaha, arrimaha dibadda, difaaca iyo ganacsiga.

Mr Pompeo waxaa kale uu sheegay in Baarayaasha Mareykanka ee howshan loo xilsaaray ay weli ku howlan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen weerarkaasi rasmi ahaan waxa uu yahay.

Ruushka ayaana donaya ayuu yiri inuu hab nolaleedkeenna u wiiqo, isaga oo intaa ku daray Madaxweyne Viladmir Putin inuu yahay khatar weli taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here