Madaxweyne Ganaax Lacageed ku Muteystay Amar uu Jabiyay.

0
171

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha dalka Chile, Sebastián Piñera, ayaa lagu ganaaxay 3,500 oo doolar kaddib markii uu jebiyay amarka ka hortagga cudurka Covid-19 isla markaana uu sawir la galay qof dumar ah isaga oo aan af-saab xirnayn.

Madaxweyne Piñera ayaa arrintaasi raalligelin ka bixiyay kaddib markii horraantii bishan intarneedka lagu baahiyay madaxweynaha oo la sawiran haweeney aan iyaduna xirnayn af-saab.

Madaxweynuhu waxa uu qiray in ay habboonayd in uu af-saabto markii uu haweeneydaasi sawirka la galayay, taa oo iyada ka codsatay in ay isla sawirto madaxweynaha oo ku sugnaa xeeb u dhow magaalada uu ku dhashay ee Cachagua.

Dalka Chile waxaa laga dhaqangeliyay shuruuc adag oo ah in dadka ay af-saabtaan marka ay joogaan goobaha ay bulshadu ku badan tahay.

Ciddii shuruucdaasi jebisana waxay muteysan kartaa ganaax lacageed iyo xitaa in xabsi la dhigo.

Xaaladaha fayraska Korona ee dalkaasi ayaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa, waxa uuna dalkaasi ka mid yahay waddamada Latin America ee cudurkan faraha ba’an ku hayo.

Ilaa haatan 581,135 qof ayuu gudaha dalkaasi ku soo ritay cudurkani, iyadoo dhimashaduna ay mareyso 16,051, sida lagu sheegay xog ay faafisay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka.

Sawirro muran dhaliyay ayaa kal hore caqabad siyaasadeed ku noqday madaxweyne Piñera.

Sanadkii la soo dhaafay waxaa aad looga carooday sawir laga qaaday madaxweynaha oo ku sugan meel ay xaflad ka dhaceysay isla habeenkii caasimadda dalkaasi ay ka billowdeen dibadbaxyada looga soo horjeeday sinnaan la’aanta ka jirta dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here