Barcelona oo Wali ay Xaalada Ku Xuntahay ka Dib Barbarahii Xalay ay la Gashay Valencia.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa hal dhibic kaliya ka heshay ciyaar ay ku martigelisay Valencia, ciyaar la isku raftay oo laba jeer ay Barcelona hoggaanka qabatay balse laga daba yimid.

Kooxda reer Catalonia ayaa kusii jirta dhibaatooyinkii usoo bilowday xili ciyaareedkii hore, waxaana kulan ay jidka guusha dirqi ugu soo laabteen oo uu Messi saddexda dhibcood uga qaaday Levante ay ku xigsiiyeen barbarro ay la galeen Valencia oo ay ku kala baxeen 2-2.

Valencia ayaa gool uu u dhaliyey Mouctar Diakhaby ku hormartay ciyaarta oo socotay 29 daqiiqadood, waxaase goolka barbarraha ka dhaliyey Lionel Messi oo rikoodhe uu khasaariyey uu dib ugu soo noqday, isla markaana madax ku saxay qaladka hore ee uu sameeyey.

Barcelona ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta hoggaanka ku qabatay gool uu u dhaliyey difaaca da’da yar ee Ronald Araujo, balse goolkaas ayaanay farxaddiisu sii waarin, waxaana ka daba-yimid Maximiliano Gomez oo goolka barbarraha u dhaliyey Valencia.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-2, iyadoo Barcelona soo gashay kaalinta shanaad oo haysata 21 dhibcood, isla markaana siddeed dhibcood ka dambaysa Atletico Madrid oo hoggaanka haysa.

Shaxdii labada kooxood

VALENCIA (4-4-2): Jaume Domenech; Daniel Wass, Gabriel Paulista, Mouctar Diakhaby, Jose Gaya; Yunus Musah, Carlos Soler, Uros Racic, Denis Cheryshev; Goncalo Guedes, Maxi Gomez.

Kaydka: Thierry Correia, Eliaquim Mangala, Ruben Sobrino, Lee Kang-In, Manu Vallejo, Jason, Cristian Rivero, Vicente Esquerdo, Koba Koindredi, Guillem Molina, Alex Blanco, Unai Etxebarria.

BARCELONA (4-1-4-1): Marc-Andre ter Stegen; Sergino Dest, Oscar Mingueza, Ronald Araujo, Jordi Alba; Sergio Busquets; Antoine Griezmann, Pedri, Philippe Coutinho; Martin Braithwaite; Lionel Messi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here